Yaya Toure Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Pep Guardiola

0
109

Halyayga ree Ivary Coast ee Yaya Toure ayaa waraysi xaasaasi ah oo uu bixiyay waxa uu dhulka kula dhacay macalinkiisii kooxaha Barcelona iyo Manchester City ee Pep Guardiola kaas oo uu si xun ugu eedeeyay in uu cunsurinimo iyo midabtakoor uu kula dhaqmo ciyaartoyda madow ee uu qaybta ka ahaa.

Yaya Toure ayaa sheegay in uu noqonayo qofkii ugu horeeyay ee qarxinaya sheekada Guardiola iyo cunsurinimada uu kula soo dhaqmay ciyaartoyda Afrikaanka ah wuxuuna soo bandhigay xaqiiqooyin uu doonayo in uu arimahan ku cadeeyo.

Waraysi dheer oo uu Yaya Toure siiyay majalada caanka ah ee France Football oo ah majalada bixisa abaal marinta Ballon d’Or ayuu xidiga ree Ivory Coast ku sheegay in uu doonayo sidii uu daaho uga faydi lahaa khuraafaadka Guardiola.

Yaya Toure ayaa si xor ah kaga baxaya Manchester City kadib markii uu macasalaameeyay kooxda uu waqtiga cajiibka ah ku soo qaatay ee Man City taas oo uu koobab muhiim ah iyo waliba taariikh ayna hore u lahayn ka soo caawiyay.

Yaya Toure oo ka hadlaya arimahan ayaa yidhi: ” Anigu waxaan doonayaa in aan noqdo midka qarxinaya khuraafaadka Guardiola. Waxaan isku dayay in aan fahmo, waxaanan xataa xogtayda iyo stats-kayga waydiiyay tababaryaaal. Markii aan xaqiijistay in ay fiican yihiin ama ka sii fiican yihiin kuwa ciyaarayay isla markaana aan ka da’yaraa, waxaan fahmay in ayna ahayn su’aal jidh ahaaneed”.

Yaya Toure oo Guardiola ka sii hadlaya yidhi: “Anigu sababta ma garanayo laakiin waxaan helay aragtida ah in uu iga masayrsanaa ama hinaasay, waxa uu ii qaatay sidii aan mincaarad ku ahay. Waxaan haystaa aragtida ah in Pep oo aan qiranayn ama ixtiraamayn uu wax walba u sameeyay si uu u burburiyo xili ciyaareedkaygii ugu danbeeyay”.

Yaya Toure oo si aan gabasho lahayn uga hadlaya hab dhaqankii uu kala kulmay Guardiola iyo axmaqnimadii uu ku wajahay ayaa yidhi: “Isagu waxa uu igu ahaa axmaq, miyaad xaqiiqdii filaysaan in uu sidaa Andres Iniesta oo kale ku ahaan lahaa?, waxay noqotay halkii aan naftayda waydiinayay in sababtu ahayd midabka. Anigu ma ihi kii ugu horeeyay, waxaa sidoo kale su’aasha iswaydiiyay ciyaartoyda Barcelona”.

Yaya Toure oo ka hadlaya in ciyaartoyda Afrikaanka ahi ay dadka qaar kala kulman habdhanka Guardiola oo kale ayaa yidhi: ” Laga yaabee in anaga ka ciyaartoyda Afrikaanka ahaan, ay markasta dadka gaar ahi si isku mid ah noola dhaqmaan. Marka aad eegto dhibaatada uu markasta kula soo jiray ciyaartoyda Afrikaanka ah, meel kasta oo uu joogay, waxaan naftayda waydiiyay su’aal”.

Laakiin Yaya Toure ayaa sheegay in Guardiola uu yahay nin maskax badan oo arintan aan lagu qaban karin oo si gaar ah ula tacaala wuxuuna yidhi: ” Isagu waa mid aad u maskax badan in lagu qabtaa, isagu waligii ma qiranayo, laakiin maalinta uu soo xusho koox ay 5 ciyaartoy oo Afrikan ahi ku jiraan, waxaan balan idinka qaadayaa in aan keeg ama doolshe u diri doono isaga”.

Intaa kadib Yaya Toure ayaa soo bandhigay dhaqan kale oo layaableh oo uu ku eedeeyay macalinkiisii hore wuxuuna yidhi: “Marka taas laga yimaado, Pep waxa uu jecel yahay in uu isagu maamulo wuxuuna doonayaa ciyaartoy adeecaysa ama u hogaansamaysa oo gacmaha ka dhunkada, anigu ma jecli xidhiidhka noocaas ah, anigu waan ixtiraamaa tababarahayga, laakiin ma aha waxyaabihiisa”.