Xulalka Puntland Iyo G/Banaadir Oo Galabta Kulan Wada Qaadan Doona

0
180

Iyadoo la soo gaaray Wareega 4-Dhamaadka ee Tartanka Maamul Goboleedyada, ayaa Galabta waxaa la ciyaari Doonaa mid ka mida kulamada ugu adga Tartankaaan.

Garoonka Banaadir Stadium, ayaa Galabta waxa uu marti gali Doonaa kulan aad u xiisa badan kaa oo dhexmari doonta Xulalka Puntland iyo Xiddigaha Gobolka Banaadir, kulan ka tirsan Semi-Finalka Tartanka Maamul Goboleedyada Dalka.

Ciyaartaaan, ayaa ah mid si aada loo wada sugayo maadaama labada Kooxood ay yihiin Labo Koox oo aad u adag kuwaa oo Glabta la filayo inay soo bandhigaan Ciyaar aad loo jeclaysto.

Xiddigaha Gobolka Banaadir, ayaa waxa ay Kaalinta 1-aad waxa ay uga soo baxeen Group-ka A, Halka Puntland ay ku soo baxday Kaalinta 2-aad ee Group-ka B.

Boqolaal Taageerayaal ah, ayaa Galabta la filayaa inay soo gaaray Garooonka Banaadir Stadium si ay u Daawadaan Ciyaartaan Xiisaha badan oo Galabta la Ciyaari Doono.