Guddiga fulinta ee shatrinjiga ayaa magaalada caasimada ee muqdishu wexey ku yeeshen shir ay ku dooranayeen gudiyada muhiimka ah ee xiriirka shatrinjiga oo  horumarin balaaran ku sameen doona howlaha xariirka  waxaana kulankaas shir gudoominayay gudomiyaha xiriirka shatrinjiga mudane axmed cabdi xasan (wataac)

Madasha shirku ka dhacay ayaa waxaa lagu doortay afar guddi oo aasaasi u ah horumarinta sharinjiga waxaana xubnaha la doortay ay kala ahaayeen

1.Guddiga Anshaxa iyo abaal marinta guddoomiye Maxamed Sabriye Xasan

2.Guddiga waxbarashada iyo garsoorka Ustaad Cabdalla Cabdalla Cali

3.Guddiga farsamada Cabdullaahi Xasan Cali (Kuusow)

4.Guddiga Saxaafadda Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra).

Kadib doorashada masuuliyiin ka tirsan gudiyada la doortay ayaa shirka qudbado ka jeediyay wexey dhamantood si isku mida ugu hambalyeyen xubnhihii doortay iyo sidoo kale gudoomiyaha guud ee xiriirka ahmed xasan cabdi (wataac)

qudbado ay jeediyeen gudiyada la doortay kadib waxaa shirka soo xiray gudoomiyaha xiriirka shatrinjiga oo amaan iyo bogaadin ujeediyay gudiyada la doortay iyo sidoo kale xubnaha wax doortay wuxuuna dhamaan mas’uuliyiintii madasha lagu doortay uu kula dardaarmay in ay kasoo baxaan shaqooyinka kala duwan ee xiriirka shatrinjiga uu uigmaday