Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed oo Beeniyay In Soomaaliya Laga Saaray Tartanka Bariga Iyo Bartamaha Africa

0
181

Wasaarda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Soomilya iyo Xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed, ayaa waxa ay si wada jira u beeniyeen in Soomaaliya aan laga Saarin Tartanka Barioga Iyo Bartamaha Qaarada Africa.

Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya Mudane Cabdi Qanni Saciid Carab, ayaa sheegay in Soomaaliya ay maranaba laga saari karin Tartankaan, waxa uuna been abuur ku tilmamay wararka sheegaya in Xiriirka lagu Magacabo CECAFA ay Soomaaliya ka reebeen Tartankaan.

Sidoo kale wasaarada Dhalinyarda iyo Ciyaaraha Soomaaliya marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa iyaduna sheegtay in Soomaaliya aan laga saarin tartankaan.