Wax walba oo aad uga baahantahay Dekeda vs Banaadir sports club

0
167

Kulankii ugu adkaa horyalka heerka kowaad ee dalkeena Somalia ayaa galabta waxa isku fara saari doona kooxaha aadka u xifaaltama ee Dekeda vs Banaadir sports club

kulankan ayaa waxa kaliya ee loo daawan doono galabta waxa ay tahay hadii wiilasha macalin yuu cali ay garaacaan wiilasha Banaadir sports club macalin yuu cali iyo dhamaan jamahiirta kooxda Dekeda ayaa udabaal dagi doona horyaalkoodii ugu horeeyay ee  mudo kadib ay qaadaan ayadoo Banaadir xagaagan uu dib udhac ad uween ay dareemeen tan iyo markii uu dhaawac soo gaaray kabtankii kooxda Banaadir sports club ciyaariyahan Daadir amiin oo dhaawac daran jilibka ka qaba

kooxda kubada cagta ee dekeda ayaa galabta weyn doonta ciyariyahankeeda qadka dhexe ka ciyaara axmed xasan macani oo ku jabay tartankii bisha barakeesa ee Ramadan oo ka soconayay salaxa shirkoole

waxaa sidoo kale  dhanka dekeda shaki ku jira ciyaariyahan cabdi kariin cabdalla oo ku magac dheer qubaaye sidoo kale ciyaariyahan Jamaal oo weerarka ka ciyaara ayaa ka maqnaan doona kooxda dekeda

dhanka banaadir hadii aan eegno waxaa ka maqnaan doona ciyaariyahan gacal faarax iyo ciyaariyahan cabdi fitaax oo ku magac dheer muufo

kualnkii  ugu danbeeyay ee kooxda banaadir sports club wexey 3_0 ku garaacday kooxda ajaanibta aan wadan ee jenyo  ciyaar xiiso badneed  oo ka dhacday garoonka banaadir stadium

dhankeeda dekeda oo horyaalka Somalia horkaceesa wexey kulankii ugu danbeeyay la ciyartay kooxda elman ciyaar ay dekeda ku awood sheegteen 2_0 oo looga awood sheegtay wiilasha macalin cabdi john