Wasaarada Dhalinyarada XFS Oo Sheegtay In Ay Dhul Ugu Deeqeen Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya

0
230

Iyadoo Maalintii shalay ahayd ay Goob joog ahayd Wasiirka Dhalinyarada Xukuumada Soomaaliya Siminaar Kooban oo loo furayay Garsoorayaal Soomaaliyeed, ayaa Maanta waxa ay sheegtay waasiiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye in Dhul aad u balaaran ay ugu Deeqeen Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed.

Waxaa ay wasiiraddu sheegtay in dhulkaas banaan uu yahay booskii loogu tala galay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta oo xaruntiisana dhawaan dhismeheedu halkaa ka bilaaban doono.

Siddoo kale Khadiija Maxmed Dirriye waxa ay sheegtay in ay aad ula dhacsantahay qaabka uu u shaqeeyo xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya, waxa ayna hadalkeeda intaa ku dartay in si hufan ay ula shaqeynayso Wasaaradeedu.

“Waa cusub ayaa u baryay Soomaalia, dalku horay ayuu u socdaa, dib u noqosho dambena ma jirto, horumarkuna wuu sii soconayaa. Soomaaliya way soo laabatay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtuna kaalin muuqata ayuu ku leeyahay dib usoo kabsashada dalka”ayay saxaafada u sheegtay wasiirada Isboortiga dalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.