Vincent Kompany Oo Ku Dhaawacmay Kulan Dhexmaray Belgium Iyo Portugal

0
198

Kabtanka xulka qaranka Belgium ee Vincent Kompany ayaa dhaawac gaadhay intii ay socotay ciyaartii xalay ay barbar dhaca goolal la’aanta ah ku dhamaysteen waddanka Portugal, taas oo ka dhacday magaalada Brussels ee caasimadda Belgium.

Vincent Kompany oo sidoo kale ah kabtanka Manchester City ayaa garoonka laga saaray markii ay ciyaartu socotay toban daqiiqadood oo kaliya qaybtii dambe, markaas oo uu haleelay dhaawac muruqa ah xili ay loollamayeen laacibka reer Portugal ee Gelson Martins.

Tababaraha Belgium, Roberto Martinez ayaa warbaahinta u sheegay markii ay ciyaartu dhamaatay in Kompany uu dhaawac dareemay, baadhitaanna lagu samayn doono Axadda maanta, taas oo go’aamin doonta doorka uu ku yeelan doono Koobka Adduunka.

Xulka qaranka Portugal waxa ka maqnaa ciyaartaas xiddigooda Cristiano Ronaldo oo fasax ku jira kaddib markii uu kooxdiisa Real Madrid ka caawiyey inay ku guuleystaan Champions League sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah.

Jan Vertonghen oo difaaca uga ciyaara Belgium ayaa taariikh sameeyey kulankii xalay, markaas oo uu saftay ciyaartiisii 100aad ee uu xidhan yahay funaanadda waddankiisa, waxaana uu ku dhowaaday inuu dhaliyo gool qaybtii dambe hase yeeshee goolhaye Beto ayaa ka hor istaagay inuu farxad ugu damaashaado xuska ciyaarta.

Belgium waxay isku Group yihiin Koobka Adduunka waddanka Ingiriiska oo ay ku wada jiraan hormada G, hase yeeshee waxa uu tababare Martinez ka reebay liiska xiddigihiisa halyeyga khadka dhexe ee Radja Nainggolan oo dhexda uga ciyaara Roma.

Wararka hor-dhaca ah ee dhaawaca Kompany ayaa waxay niyad-jab ku yihiin rajada xulka Belgium ee Koobka Adduunka, sababtoo ah, sannadkii u dambeeyey waxa uu Kabtanku dhibbane u noqday dhaawacyo badan oo uu muddooyin bada u jiifay, kuwaas oo ay suurtogal tahay in dariiqiisii uu maro. Laacibka bedda ee Thomas Vermaelen ayaa isaguna dhaawacan, lamana filayo inuu tago Ruushka.