Thiago Alcantara Oo Doonaya Kusoo Laabashada Barca

0
202

Xidiga xulka qaranka Spain iyo naadiga Bayern Munich ee Thiago Alcantara, ayaa wuxuu doonayaa inuu kusoo laabto Barcelona, sida laga soo xigtay Majaladda AS ee kasoo baxda caasimada Madrid.

Warkaan wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Manchester United si wayn loo hadalhayo inay ugaarsaneyso laacibkaan.

Thiago Alcantara, ayaa Bavarian-ka wuxuu la qaatay muda Shan sano ah, oo uu sanad walba la qaadayay koob.

Laakiin, 27-sano jirkaan ayaa waxaa lagu waramayaa inuu markaan go’aan saday inuu isbedal dhanka kooxaha uu go’aan saday inuu sameeyo.

Meesha ugu badan ee uu doonayo ayaa waxaa loo arkaa inay tahay Camp Nou, halkaasoo ah meesha uu kasoo baxay.

Sikastaba, kooxda reer Germany ayaa qudheeda waxaa la fahansan yahay inay dooneyso iska iibinta Thiago Alcantara, inkasta oo ay su’aasha ka taagan tahay halka uu ugu dambeyn, caga dhigan doono.