Tababaraha Belgium Oo Ka Hadlay Dhaawaca Eden Hazard

0
264

tXulka qaranka Belgium ayaa guul wayn ku soo xidhay kulamadii saaxiibtinimo ee ka hor koobka aduunka iyaga oo 4-1 ku xasuuqay xulka qaranka Costa Rica laakiin walwalka ugu wayn ee jamaahiirta xulka qaranka Belgium ay la kulmeen ayaa ahayd in Eden Hazard dhaawac kulankan looga saaray.

Laakiin tababaraha xulka qaranka Belgium ee Roberto Martinez ayaa laabta u qaboojiyay jamaahiirta kooxda qarankiisa Belgium iyo gaar ahaan taageerayaasha Hazard kuwaas oo cabsi ka qabay in kubbad sameeyaha Chelsea uu halis ugu jiri karo in uu kulamada koobka aduunka ee soo socda seegi karo.

Roberto Martinez ayaa xaqiijiyay in Hazard aanu wax dhaawac halis ahi soo gaadhin balse uu u saaray in lugta laga laagay oo uu xunuun dareemayay balse aanu dhaawac ahayn. Roberto Martinez ayaa digniin u diray xulalka qaramada koobka aduunka ee uu xulka qaranka England ka mid yahay wuxuuna sheegay in boqolkiiba boqol ay diyaar buuxa yihiin.

Tabbaare Roberto Martinez oo ka hadlaya xaalada Hazard ayaa yidhi: “Eden wuu fiican yahay, lugta ayaa laga laagay, wax intaas ka badan ma aha. Ma aha in aad ka walwashaan. Anigu waxaan ku raaxaystay bandhigiisa, waxa uu u muuqdaa mid daray ah(fresh ah) oo taam ah”.

Martinez ayaa digniin u sii diray England iyo xulalka kale ay koobka aduunka ku balansan yihiin kadib markii ay 4-1 ku xaaqeen Costa Rica wuxuuna yidhi: “Anagu boqolkiiba boqol waxaanu diyaar u nahay kulanka ugu horeeya, maalin kasta waxaanu ka soo shaqaynay sidii aanu horumar u samayn lahayn, laakiin sidoo kale waxaanu u baahanahay in aanu saddexdaa kulan ee groupyada korno, kadib ayaanu halka saxda ah ee aanu gaadhi karno eegi karnaa”.

Roberto Martinez ayaa haysta ciyaartoy aad u tiro badan oo khibrad iyo tayo sare leh waxaana loo arkaa in xulka qaranka Belgium uu haysto ciyaartoyda ka koox ahaan ee ugu fiican koobka aduuna iyada oo Eden Hazard, Kevin De Bruyne iyo Romelu Lukaku ay noqon doonaan xidigaha saamaynta ugu wayn laga filayo.

Romelu Lukaku ayaa laba gool ka dhaliyay kulankii Costa Rica halka labada gool ee kale ay dhaliyeen Dries Mertens iyo Michy Batshuayi waxaana Belgium kulankan ugu xigi doona kulanka Group G ay ku furan doonaan kaas oo ay June 18 la ciyaari doonaan Panama.