Sergio Ramos Oo U Jawaabay Halyeey Deigo Maradona

0
120
Kabtanka xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaan waqti badan sugin si uu ugu jawaab celiyo halyayga xulka qaranka Argantina Diego Armando Maradona.

halyayga xulka qaranka Argantina Diego Armando Maradona ayaa amaanay qaab ciyaareedka daafaca xulka qaranka Uruguay Diego Godín kulankii ay la ciyaareen xulka qaranka Masar ee koobka aduunka 2018, laakiin wuxuu sidoo kale isbarbar dhig ku sameeyay difaaca Atletico Madrid iyo kabtanka kooxda Real Madrid.

Diego Armando Maradona ayaa kadib kulankii Uruguay iyo Masar wuxuu la wadaagay saxaafada wuxuuna yiri: “Markaan ka hadleyno ciyaartoyda waa weyn, waxaa la dhahaa Sergio Ramos waa xidig weyn, laakiin taasi maya laacibka weyn waa Diego Godín”.

Laakiin 32 jirka hogaamiya xulka qaranka Spain ayaa kadib guushii ay xalay ka gaareen Iran la hadlay saxaafada wuxuuna ka jawaab celiyay hadalkii Diego Maradona wuxuuna yiri: “Maradona wuxuu ahaa ciyaaryahan weyn, laakiin dadka reer Argantina way ka war qabaan in sanado yar kadib uu yimid xidigii ugu fiicnaa taariikhda dalka Argantina waxaan aaminsanahay inuu yahay Lionel Messi”.

Waxaa xusid mudan in kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos uu kala kulmay dhaleeceen xoogan ee kubada cagta qaarada yurub iyo caalamka, kadib dhaawacii uu u geestay Mohamed Salah inta lagu gudi jiray kulankii finalka Champions League ay xili ciyaareedkii hore kuwada ciyaareen kooxaha Liverpool iyo Real Madrid. Waxaan lagu eedeeyay Ramos inuu si ku tala gal u dhaawacay Salah.

Si kastaba Xulka qaranka Spain ayaa guul muhiim ah ka gaadhay Iran waxayna guushani La Roja ka caawisay in ay dhibco iiyo goolal isku mid ah wadaagaan xulka qaranka Portugal oo isna guul ka sii gaadhay Moroco, waxayna tani la micno tahay in kulanka saddexaad ee Iran iyo Portugal uu noqon doono kulanka ugu xiisaha badan Group B ee hadhsan maadaama Spain ay la ciyaari doonto Morocco oo aan waxba u tartamayn.