Sababta Ka Danbeysa Geerida Kabtankii Fiorentina Oo La Ogaaday

0
118

Kabtankii kooxda kubadda cagta Fiorentina ee dhintay isaga oo isku diyaarinaya ciyaar ka tirsanayd horyaalka Serie A ayaa la sheegay inuu u dhintay xanuun kaga soo booday wadanaha oo aan la ogeyn.

Astori ayaa geeriyooday isaga oo ku jira hotel uu saxeexday markay taariikhdu ahayd March 4, halkaas oo maydkiisa subaxnimadii laga soo saaray markii uu soo toosi waayey.

Astori ayaa la garan waayey sababtii uu u dhintay, hase yeeshee warar laga helay waddanka Talyaaniga ayaa sheegay in nooc ka mid ah xanuunka wadnaha oo aan hore loogu ogeyn inuu si degdeg ah u gaadhay meel halis ah, isla markaana uu kor u kacay garaaca wadnihiisa oo sababay in naftu ka baxo.

Warku waxa uu sheegay in xeer ilaaliyaha Udine uu shaaciyey inay jirtay xaalad wadnaha ah oo ciyaartoyga haysatay, hase yeeshee aanay cidina ogeyn.

Ma jiro baadhitaan la sameeyey oo lagu ogaaday in hore looga daaweyey iyo in kale, hase yeeshee markii uu geeriyooday ayay dunidu gashay toddobaad murugo ah, waxaana dhamaan kooxuhu ay u aamuseen wakhti kooban.

Lambarkii uu u xidhan jiray Fiorentina ee 13 ayaa hawlgab ay ka dhigeen Cagliari oo uu hore ugu ciyaari jiray iyo Fiorentina.