Sabab Cajiib Ah Oo La Ogaaday In Icardi Looga Saaray Xulka Qaranka Argentina

0
100

Arrimaha qabyaaladdu kuma koobna Soomaalida oo kaliya, meel kasta oo dunida ahna way ka jirtaa marka laga reebo qaabka loo isticmaalayo.

Dalalka Carabta ayaa ugu badan isticmaalka qabyaaladda, waxaana jira waddamo marka uu ilmuhu dhasho magaciisa saddexaad laga dhigo ka qabiilkiisa, taas oo ah aqoonsiga ugu weyn ee qofkaas lagu garanayo halka uu kasoo jeedo isla markana magaciisa uu sheego. Taasi dhibaato ayay keentaa mararka qaarkood, waxaanay ka hor istaagtaa fursado uu heli lahaa haddii aanu dusha ku sidan lahayn aqoonsiga qabiilkiisa.

Soomaalida ayaa iyaduna si weyn u isticmaasha, marar badanna waxa dhacay dagaallo soo noqnoqda oo qabyaalad salka ku haya.

Intii hore, laguma aqoonin in qabyaaladdu ay saamayn ku yeelato kubadda cagta, hase yeeshee, xulka qaranka Argentina oo ka mid ah waddamada loo saadaalinayo Koobka Adduunka ayaa ay ka dhex-qaraxday.

Xiddiga Argentina ee Lionel Messi iyo weeraryahanka Mauro Icardi, waxay kasoo kala jeedaan laba qabiil oo wada dega Argentina, waxay taasi keentay in labadoodu aanay ku wada jiri karin xulka ee midkood ay tahay inuu dibedda ka ahaado.

Wargeyska Daily Mirror oo soo xiganaya wargeyska Maraykanka ah ee Bleacher Reports oo warkan qoray ayaa waxa uu shaaciyey in sababtii Mauro Icardi looga reebay liiska xulka qaranka Argentina ee Koobka Adduunka ay tahay kala duwanaanshaha qabiil ee isaga iyo Messi.

“Mauro Icardi waxa xulka Argentina ee Koobka Adduunka looga reebay sabab ah inaanay isku qabiil ahayn Lionel Messi.” Sidaas ayuu yidhi wargeyska Daily Mirror.

“Icardi waxa uu qaatay xili ciyaareed wanaagsan, waxa uu dhaliyey 29 gool 34 kulan oo horyaalka Serie A uu u ciyaaray Inter Milan, balse in laga reebo Koobka Adduunka, waxa masuul ka ah Lionel Messi” ayuu wargeysku mar kale yidhi.

Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in Mauro Icardi uu markii horeba sii ogaa in aanu ka mid noqon doonin xulka qaranka Argentina ee rasmiga ah inta uu Messi ku jiro.

“Layaab iguma laha” ayuu yidhi Icardi oo u warramay Ole.

Siday doontaba ha ahaato sababta loo reebay Icardi oo ah weeraryahanka xili ciyaareedkan ugu goolasha badan xiddiga kasoo jeeda Argentina ee loo xushay Koobka Adduunka oo sidoo kalena ah laacibka ku xiga Messi dhalinta goolasha, waxaa la ogyhaay in Paulo Dybala, Gonzalo Higuain iyo Sergio Aguero ay u duulayaan Ruushka, taasina ay albaabka ka xidhayso weeraryahan kale oo lagu daro.