Ronaldo Oo Lala Xiriirinayo Inuu Dib Ugu Laabanayo Kooxdiisii Hore

0
221

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa heshiis hor dhac ah la gaartay ciyaaryahanka Real Madrid ee Cristiano Ronaldo oo ay doonayaan inay dib ugu soo celiyaan garoonka Old Trafford.

Cristiano Ronaldo ayaa lala xiriirinayay muddo dheer ku laabashada masraxa riyada, waxaana markii ay soo idlaatay ciyaartii final-ka ee Real Madrid uu mugdi geliyay mustaqbalkiisa kooxda Los Blancos.

Diaro Gol ayaa shaacisay in xiddigga sare ee Portugal uu si hor dhac ah ula heshiiyay kooxdiisii hore ee Manchester United.

33-sano jirkaan ayaanan weli qalinka dul dhigin heshiis cusub oo uu kula sii joogayo kooxda Real Madrid, waxaana loo arkaa inuu isaga qudhiisa xiiseynayo inuu dib ugu laabto kooxda Manchester United.