Real Madrid Oo Ku Soo Biirtay Tartanka Saxiixa Thiago

0
160

Real Madrid ayaa suuqa u gelaysa ciyaaryahanno ay kula dagaallanto kooxda Barcelona oo xili ciyaareedkii hore dhibco taariikhda galay kaga qaadday horyaalka LaLiga, inkasta oo Los Blancos ay taariikh ka samaysay horyaalka Yurub ee Champions League oo markii saddexaad oo xidhiidh ah ay ku guuleysatay.

Tababare Lopetegui ayaa go’aamiyey in Real Madrid ay u dhaqaaqdo laacibka khadka dhexe ee xulka qaranka Spain iyo  Bayern Munich ee Thiago Alcantara oo la filayo inuu ka tago Bavaria, hase yeeshee Madrid waxa kaliya oo ay Alcantara saxeexiisa ku tartami doontaa haddii laacibka reer Croatia ee Mateo Kovacic uu go’aansado inuu tago.

Kovacic ayaa la sheegay in aanu ku faraxsanayn wakhtigii laga siiyey kooxda xili ciyaareedkii 2017/28, isla markaana uu doonayo inuu tago koox kale oo uu wakhti damaanad leh ka helo, hase yeeshee Real Madrid ayaan ogolaan doonin inay fasaxdo illaa ay ogaanayaan inay heli karayaan laacib booskiisa buuxin kara oo ay u arkaan inuu yahay Thiago Alcanta.

Warbaahinta waddanka Spain ee COPE ayaa waxa ay sheegtay in wakiilka Covacic uu ka codsaday Los Blancos inay dhegaysato dhamaan dalabyada u imanaya ciyaartoygan.

Dhinaca kale, Real Madrid ayaa ay ku adkaan doontaa inay si fudud gacanta ugu dhigto Thiago Alcantara iyadoo sababtuna tahay Bayern Munich oo aan sahal ku fasixi doonin iyo kooxdiisii hore ee Barcelona oo u dagaalllamaysa inay dib usoo ceshato.

Munich ayuu warku sheegay in ay Real Madrid u ogolaan doonto laacibkan haddii miiska loo saaro 70 milyan oo Euro, markaasna ay xor u noqon doonto inay 24 jirkan heshiis la gasho, hase yeeshee ogolaansho kasta oo ka yimaadda maamulka Bayern Munich, waxa caqabad ku noqon doona go’aanka uu qaato Alcantara oo hoygiisa u arka inay yahay kooxda Barcelona