Ramos Oo U Jawaabay Taagerayaal Dalbdaday In Lagu Celiyo Kama Danbeystii UCL

0
107

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa si adag ugu jawaabay jamaahiirta kooxda Liverpool oo si cadho leh u dalbaday in finalkii UEFA Champions League lagu celiyo maadaama oo uu goolhaye Karius dawakhaas u sameeyay qaladaadkii uu sameeyay finalkii Keiv kadib markii dhakhaatiir baadhitaan ku sameeyay ay si rasmi ah u cadeeyeen in jugtii uu Ramos soo gaadhsiiyay Karius uu la maskax guuray.

Sergio Ramos ayaa hadalo maad iyo ku digasho ah ugu jawaabay Liverpool isaga oo tan iyo wixii ka danbeeyay finalkii Champions League eedayn joogto ah kala kulmayay jamaahiirta Reds iyo kuwa xulka qaranka Masar. Ramos ayaa ka hadlay dhaawicii uu u gaystay Mohamed Salah isaga oo waliba uga hadlay si xanaf leh.

Sergio Ramos ayaa sheegay in Mohamed Salah uu isaga gacanta markii hore qabsaday isla markaana uu qaybtii danbe ee kulankii Kiev uu ciyaari karayay haddii irbad lagu mudo maadaama oo uu ku dooday in uu isaguba marar badan sidaas ku soo ciyaaray.

Laakiin arinta jamaahiirta Liverpool ka sii cadhaysiin doonta ayaa ah in Ramos uu sheegay in wax walba uu hadda ka maqlay jamaahiirta Reds balse uu sugayo in Roberto Firmino uu ku cowdo in uu qobow ka dareemay dhibco dhididkiisa ah oo taabtay ama gadhkiisa oo qoyaan leh oo taabtay.

Sergio Ramos oo arintii dhaawaca Mohamed Salah ka hadlaya ayaa yidhi: “Cadaab dhiigleh, dareen aad u badan ayay siiyeen… anigu ma doonayo in aan ka hadlo sababtoo ah wax walba waa la buun buuniyay. Ciyaarta ayaan si fiican u arkay, isaga ayaa markii hore gacanta i qabsaday, dhinaca kale ayaan u dhacay, dhaawucu waxa uu ku dhacay gacanta kale, waxayna sheegeen in aan sida Judo u qabsaday isaga”.

Sergio Ramos oo ka hadlaya in Karius laga helay dawakhaad iyo maskax guur ku dhacay markii uu jiqilkiisa ku dhuftay ayuu ku jawaabay: “Kadib markii uu goolhayuhu sheegay in uu ku dawakhay isku dhacaygii, waxa kaliya ee aan sugayaa waa in uu Firmino sheego in uu qaboobay sababtoo ah dhibic dhididkayga ah ayaa isaga ku dul dhacday”.

Laakiin Sergio Ramos oo ka hadlaya in uu raali galiyay Mohamed Salah iyo waliba qaab xanaf leh oo uu uga hadlay ayuu yidhi: “Waxaan Salah kula hadlay fariin wuuna fiicnaa. Waxa uu ciyaari karayay qaybtii labaad haddii la mudi lahaa, anigu dhawr jeer ayaan sameeyay, laakiin marka uu Ramos wax sidaas oo kale ah sameeyo, waxay ugu dhegtaa in ka yara badan, anigu ma garanayo in ay sababtu tahay joogi taanka Madrid ee waqtiga dheer iyo guulaysiga waqtiga dheer in ay dadku si ka duwan u arkayaan”.