Qaarkamida ciyaartooyda Somliyeed oo u hambalyeeyay kooxda Dekeda

0
137

 

Cali maxamed Cali oo loo yaqaano (cali madaxeey) ayaa baraha bulshada wuxuu ugu hambalyeyay kooxda Dekeda guushii ay  gaareen iyo hanashadii horyaalka heerka kowaad ee dalkeena Somaliya wuxuuna aad u amaanay maamulka sare ee kooxda Dekeda iyo tababaraha kooxda Dekeda  macalimu  Yuusuf Cali Nuur oo loo yaqaano Yuu cali oo mudo kadib Dekeda ku hogaamiyay hanashada horyaalka heerka kowaad ee dalkeena Domaliya

Cali madaxeey wuxuu horay kaga soo ciyaaray horyaalka heerka kowad ee Somaliya wuxuuna ka tirsanaa kooxda Jeenyo waxaa soo gaaray dhaawac culus xili uu matalayay kooxda jeenyo dhaawacaas ayaana mugdi galiyay mustaqbalka ciyaareed ee xidigaasi oo ahaa laacib ay aad ugu xisabtami jireen jamahiirta Jeenyo

Cali Maxamed Cali waxa uu haatan ku suganyahay dalka dibadiisa halkaa oo uu ujoogo xaalad caafimaad  horaantii 2016 ayaa xaalad caafimaad dalka dibadiisa loogu qaaday

Barta uu ku leeyahay Facebook ayuu hambalyo iyo bogaadin uga diray dhamaan xidigaha kooxda Dekeda ‘ taageyaasha iyo maamulka sare ee kooxda Dekeda oo xagaagan gacanta loo galiyay koobka horyaalka Somaliya