Pochettino: ‘Waan Garanaya Sababta Uu Countinho Ugu Biiray Barcelona’

0
230

Tababaraha Tottenham Hotspur Mauricio Pochettino, ayaa sheegay inuu fahmi karo sababta uu Philippe Coutinho u doonayo inuu ka tago Liverpool uuna ugu biiray Barcelona.

Xiddiga reer Brazil ayaa dhameystiray heshiiskii uu ugu wareegay Barca  oo ahaa 142 milyan ginni isbuucii hore.

Liverpool ayaa ku guuldareysatay inay iska fasaxdo kooxda reer Catalan iyadoo diiday seddex dalab oo xagaagii, lakiin waxa ay u cadeeyeen in Coutinho uu ka tagayo xilli ciyaareedka ka dib markii uu cadaadis saarnaa ciyaaryahanka iyo xeradiisa.

Pochettino, oo la shaqeynayay kubadsameeyaha muddo waqti ah oo uu joogay Espanyol, ayaa aaminsan inuu og yahay sababta 25 jirkaan uu ugu riixay inuu u dhaqaaqo horyaalka La Liga.

“Waan ogahay Philippe markii aan ka soo qaadanay Inter Milan [Milan] ilaa Espanyol [2012], waxaan tababare u ahaa lix bilood markii uu 17 jir ahaa,” tababaraha Tottenham ayaa sidaasi u sheegay Radio Onda Cero.

“Waan ognahay in Barcelona ay tahay magaalo gaar u ah, sida iska cad Philippe, ka dib shan sano oo uu joogay Liverpool, halkaas oo aad u qabow oo aad u ugu badan roobab, iyo markaad haysato xaaskaaga iyo caruurteeda, aad ayey u adag tahay inuu Xiddiga Brazil u diido fursada sidan oo kale ah.

“Sidoo kale, wuxuu ku biirayaa mid ka mid ah kooxaha adduunka ugu fiican, farxadna u ah inuu la ciyaaro Lionel Messi waa inay sidoo kale noqotaa arin.”

Pochettino ayaa ku sugnaa England muddo shan sano ah oo uu ku qaatay Southampton iyo haatan oo uu Maamule u yahay Kooxda Tottenham.