Messi Oo Dalabyo Suuqa Ah U Diray Kooxda Barcelona

0
239

Laacibka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa naadigiisa ka dalbaday in kooxda lagu soo biiriyo lix saxiix oo cusub.

Tan iyo Barca markii ay ku hungowday saxiixa Antoine Greizmann oo go’aansaday inuu joogo Atletico Madrid, waxa ay baadi goob u gashay sidii ay kusoo heli lahayd bedelkiisa.

Anthony Martial ayaa ku jira lixda ciyaaryahan ee uu Messi dalbanayo, si la mid ah laacibka Liverpool ee Sadio Mane.

30-sano jirkan ayaa farta ku fiiqay ciyaartoyda kala ah: Anthony Martial, Jesse Lingard, Kingsley Coman, Julian Draxler, Mikel Oyarzabal iyo Sadio Mane.

Messi ayaa inta badan ku lug yeesha saxiixa ciyaartoyda ay Barcelona lasoo saxiixaneyso, iyadoo Paulinho uu horraan caddeeyay in kabtanka Argentina uu dar-dar geliyay imaanshihiisa Camp Nou