Gool dhaliyaha kooxda kubada cagta ee West Ham United Marko Arnautovic ayaa gaashaanka u daruuray in marnaba ay suurta gali karto in uu kamid noqdo kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Jose Mourinho ayaa u daawasho tagay bishii la soo dhaafay kulan uu ka qeyb galayay joog dheeraha West Ham oo dhexmaray xulkiisa Austri iyo xulka qaranka Ruushka oo ka dhacay magaalada Moscow,waxaana la fahansanyahay in macalinkii hore ee Chelsea Inter iyo Real Madrid uu la dhacsanyahay qaab ciyaareedka Aurnautovic

Sidoo kale wararka qaar ayaa tilmaamaya in Mourinho uu kulan la qaatay wakiilka laacibka Austri isla markaana uu kala hadlay suurta galnimada ololaha soo aadan ee 2018/2019 uu xidigaasi kaga mid noqon karo Red Devills.

Si kastaba ha’ahaatee West Ham United ayaa xidigooda Aurrnautovic madaxiisa dul dhigtay lacag dhan 60 Milyan oo Euro waxaana ay koox walba oo hami ka soo galo xidigaasi ku qasabtay in qiimahaasi ay miiska saarto si ay u hesho adeega Marko Aurnautovic oo ah gool dhaliye heer caalami ah.
Isagoo wareysi gaar ah siinayay laacibka Hammers Sky Sports News ayuu ka hadlay hamiga ka soo galay Red Devills hadii uu halkaasi xiisenayo iyo sida uu ugu faraxsanyahay London.
Marko Aurnautovic ayaa sheegay in uusan ka war heyn xiisaha ay u qabto Man United isla markaana fariin ku aadan kooxdaasi uusan la wadaagin wakiilkiisa gaarka ah xiligan uu farxad ku heysto West Ham United.

Ugu danbeyn Man United ayaa waxaa qorshaha ugu jira In xidiga Austri heshiiskiisa aysan ku bixin 60 Milyan lacag dhan isla markaana ugu yaraan ay ku soo gab gabeyso 35 Milyan oo Euro.