Marcus Rashford Oo Ku Dhaawacmay Tababarka England

0
148

Tababaraha England Gareth Southgate ayaa shaaca ka qaaday in Marcus Rashford uu dhaawac jilibka ah ku soo gaaray tababarkii ugu danbeeyay ee xulka ka hor safarkoodii Ruushka.

Rashford ayaa gool cajiiba dhaliyay kulan xulkiisa todobaadkii tagay 2-0 kaga badiyeen Costa Rica, isagoo dhaliyay gool ka dhaliyay meel 25-yardi u jirta goolka kulan ka dhacay garoonka Ellana Road.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahanka Manchester United ayaa u muuqda mid aan ka qeyb gali karin kulanka koowaad xulkiis ee koobka aduunka oo Tunisia ay la ciyaari doonaan Isniinta soo aadan.

Xulka qaranka England ayaa gaaray dalka Ruushka galinkii danbe ee Talaadadii, tababare Southgate ayaana xaqiijiyay in 20-jirkan uu jilibka dhaawwac ka soo gaaray isla markaana xaaladiisa ay qiimyenayaan saraakiisha caafimaadka ee xulka England.

Ugu danbeyn adii ay wanaagsanaato xaalada dhaawac ee Rashfod,wuxuu ku soo bilaaban doonaan kulanka koowaad ee xulkiisa Tunisia ay la balansanyihiin oo garoonka Vologogard.