Manchester United Oo u dhaqaaqday Saxiixa Alex Sandro 

0
233

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo daafaca xulka Brazil iyo kooxda Juventus Alex Sandro.

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa raadinayay fursado loogu talagalay booska daafaca bidix, iyadoo Luke Shaw uu ku guuldareystay inuu booskiisa ka soo baxo  , islamarkaana uu ku soo laabto qaab ciyaareedkiisa.

Sandro waxaa loo aqoonsaday inuu yahay xal macquul u ah, dhibaatada Red Devills ka heysata danbeedka bidix sida laga soo xigtay Daily Record, inkastoo United ay tartan kala kulmi doonto Chelsea si ay u hesho adeega 26 jirkaan.

Kooxda ka dhisan London ayaa xiiseyneysa inay xiddiga reer Brazil ku soo qaadato lacago fara badan isla markaana Staform Bridge ay ku soo biiriso suuqa jiilaalka oo bisha janaayo furmi doona.

Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay xidigan dul dhigtay lacag dhan 70 Milion Alex Sandro ayaa 2015 kooxda Juventus kaga soo biiray naadiga reer Portugal ee FC Porto.