Kooxda ku Ciyaarta Garoonka Old Traford ee Manchester United, ayaa ku raja weyn inay soo qaadato Daafaca Danbeedka Bidix uga Ciyaara Qaranka England iyo Kooxda Tottenham si ay mar kale u xoojiyaan Dalabkooda ku aadan Laacibkaan, Sida ay ku waramayso Manchester Evening News.

Image result for danny roseMauricio Pochettino, ayaa lagu soo waramayaa inuu qaatay Go,aan ah inuu iska iibiyo Xiddigaan heerka Caalami kaas oo aan ku faraxsanayn Kooxda Spurs-ka.

Rose, ayaan ka soo muuqan Xiddigihii ka hortagay Kooxda Arsenal, iyagoona Guul darro kala soo laabtay Kooxda ay Waqooyiga Magaalada london iskal dhisanyihiin ee Gunners, Xitaa Xiddigaan waxa uu ku fashilmay inuu ka mid noqdo Xiddigihii la ciyaaray West BromWich Albion.

Manchester Evening News, ayaa ku waramaysa Daafacaan Awooda badan inuusan jeclayn inuu ka sii hoos shaqeeyo Macallin Pochettino, halka United ay iyaduna sii wado Siddi ay ku heli lahayd Xiddigaan.

Mourinho, ayaa dhamaystiraya Qorshaha uu Rose ku tagayo Kooxda United, Maadaama uu dhaawac Jilibka ah qabo Luke Shaw oo Booska Bidix ka Ciyaara, wararka qaarna  waxa ay sheegayaan in Shaw si amaah ah loogu diri doono Kooxda Newcastle United.

Image result for luke shaw injuryManchester United, ayaa ku jirta Booska Labaad ee kala sareynta Horyaalka English Premier League.