Man United Oo Xilli Ciyaareedkaan Sameynaysa Heshiiskoodii Ugu Weynaa

0
184

Kooxda Manchester United, ayaa si aan kala Joogsi lahayn waxa ay u Doonayeen Xiddiga Kooxda Juventus Weerarka uga Ciyaara ee Paul Dybala, Mourinho ayaana ku kalsoon in Laacibkaan uu Kooxda ku soo biirin karo.

Macallinka Kooxda Manchester United Jose Mourinho, ayaa isha ju haya in Dybla uu ku soo kordhiyo Kooxda Sababtoo ah Xiddigaha Juan Mata IYO Henrikh Mkhitaryan, ayaan ku qanacsanayn Joogista Kooxda Red Devils.

Mkhitaryan, ayaa waxaa Xiisaynaysa Kooxdiisii hore Borussia Dortmund, laakiin Xiddigaan qudhiisa ayaa Doonaya inuu iska sii joogo Horyaalka Xiisaha badan ee Premier League.

24-Jirkaan, ayaa waxaa uu Tixgalin Doonaa inuu ku biiro Kooxaha danaynaya Adeega Laacibkaan.

Xiddigaan, ayaa Kooxda Juventus uga soo biiray Kooxda Palermo, isagoona 35 Million ugu soo dhaqaaqay Sanadkii 2015-kii.