Man United Iyo Bayern Munich Oo Wada Ciyaari Doona

0
152

Kooxda kubada cagta ee Manchester United ayaa xaqiijisay in ay kulan saaxiibtinimo la ciyaari doonta kooxda Bundesliga ka ciyaarta ee Bayern Munche shanta bisha August.

United ayaa durbaba diyaarisay kulamo ay xili ciyaareedka ka hor la leeyihiin kooxaha America, San Jose Earthquakes, AC Milan, Liverpool iyo Real Madrid inta lagu gudo jiro booqashada xagaaga ee Mareykanka ay ku tagi doonto.

Kulanka Manchester United ee Bayern ayaa la ciyaari doonaa maalmod uun kadib marka ciyaartooyda Mourinho ay soo gaba gabeeyaan booqashadooda Mareykanka ciyaartaasi ayaana ka dhici doonta Alianz Arena oo Bavaria ay ku ciyaarto.

“Kooxda waxa ay wajahayaan mid kamid ah kooxaha ugu adag adduunka ka hor inta aan la gaarin xilliga xagaaga, ciyaarta ayaa ka dhici doonta garoonka caalamiga ah ee Alianz,taa oo qaar kamid ah jamaahiirteena u ogolaan doona in ay kooxda daawadaan”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ay soo saartay Manchester United.

 Waxay noqon doontaa kulanka ugu horeeya ee labada kooxood tan iyo Abriil 2014, markaasoo David Moyes uu kooxda Bayern ku garaacay wareega quarter-finalka Champions League.

Ugu danbeyn kulanka Bayern Munich iyo Manchester United ayaa noqonaya kii ugu horeeyay labada dhinac kulmaan tan iyo April 2014 markaa oo Red Devills laga cirib tiray sideed dhamaadka Champions League.