Man City Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixanaysa Laacib Muhiim Ah

0
180

kooxda kubadda cagta ee Manchester City ayaa heshiis dheeri ah ka saxiixatay goolhayahooda reer Brazil ee Ederson Moreas, ka dib ka qayb qaadashadii cajiibka ahayd ee hanashada EPL-ka.

Ederson ayaa lasii joogi kooxda City toddobada xilli ciyaareed ee soo aaddan, waxa uuna 2 sano ku kor dhiyay qandaraaskiisa taasoo ka dhigan inuu gaarsiiyay 2025.

Goolhayaha Brazil ayaa kaga soo biiray kooxda Benfica £35m bishii june ee lasoo dhaafay, waxa uuna booska ka xoogsaday Claudio Bravo oo bandhig liita sameeyay xilli ciyaareedkii 2016/17.

24-jirkaan ayaa baal marin ahaan uga helay kooxda Citizens, waxa ayna guddoonsiisay heshiis waqti dheer ah oo u kusii joogi doono Etihad Stadium.