Madaxweynaha PSG Oo Beeniyay Inay bartilmaameed ka dhiganayaan Dybala

0
214
during the Serie A match between Juventus FC and UC Sampdoria at Juventus Arena on May 14, 2016 in Turin, Italy.

Xiddiga Juventus Paulo Dybala ayaan diirada u saarneyn Paris Saint-Germain, sida laga soo xigtay guddoomiyaha kooxda Nasser Al-Khelaifi.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqi karo kooxda hogaanka u heysa Ligue 1, waxaana uu qiray bishii November inuu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro Neymar.

Iyadoo qaab ciyaareedka Dybala ee todobaadyadii la soo dhaafay uusan ahayn sidii looga bartay, waxaa jiray bandhigo loo soo jeedinay Juventus oo ahaa inay Xiddigaan ku iibsadaan Lacago Kaash ah si ay uga iibiyaan Kooxaha, Barcelona, ​​Real Madrid iyo Manchester United oo xiisa u qaba Xiddigaan.

“Dybala ma ahan furaha mustaqbalka PSG,” ayuu yiri Al-Khelaifi

Si kastaba ha ahaatee, Al-Khelaifi ayaa beeniyay 24 jirkaan inuu diirada u saaran yahay PSG.

“Runta waxa ay ku jirtaa ciyaartoy fiican oo Serie A ah, ma ahan kaliya Dybala,” ayuu u sheegay La Stampa. “Hadii aan xiiseyneyno, waxaan u wici doonaa Juventus.

“Juve madaxweyneheeda {Andrea Agnelli} waa saaxiib fiican, lakiin waxaan idiin sheegi karaa in Dybala, xilligan, uusan ahayn furaha mustaqbalka PSG.”

“Hadda, waan ku faraxsanahay Emery”

Al-Khelaifi ayaa sidoo kale beeniyay in PSG ay ka fiirsaneyso bedelka tababaraha kooxda Unai Emery.

Tababaraha Chelsea Antonio Conte iyo tababarihii hore ee PSG Carlo Ancelotti ayaa ka mid ah kuwa lala xiriirinaayo kooxda, laakiin Emery ayaa u muuqda mid amaan ah.

“Waxaad heysataa ciyaaryahano heer sare ah, naadiyo heer sare ah iyo tababarayaal aad u fiican oo Italy ah, laakiin haatan, waan ku faraxsanahay Emery” ayuu yiri Al-Khelaifi.