Madaxweynaha Nigeria Oo Magacaabay Masuuliyiinta Dowladiisa Uga Qeyb Galaya Xaflada Furitaanka Dhacdada Ruushka

0
117

Mohamaduu Buhari madaxweynaha dalka Nigeria ayaa ku dhawaaqay xildhibaano wasiiro iyo masuuliyiin kale oo magaca Nigeria kaga qeyb gali doona munaasabada furitaanka koobka aduunka.

Madaxweynaha dalka Nigeria Mohamadu Buhari ayaa masuuliyiinta uu u magacaabay in ay ku matalaan furitaanka koobka aduunka waxaa sidoo kale ku jiray duqa magaalada Lagos kaa oo hogaamin doona xubnaha dowlada matalaya ee ka qeyb galaya tartanka koobka aduunka oo maalmo kadib shulcadiisa laga shidi doono dhulka qaboobaha ee Ruushka.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Nigeria Solomon Dalung ayaa ugu horeyn saxaafada u soo bandhigay in madaxweyne Buhari uu duqa magaalada Lagos ku daray xubnaha matali doona dowladiisa ee Ruushka ula safri doona xulka qaranka Super Eagles.

Solomon Dalung ayaa sheegay in duqa magaalada Lagos Ambode uu hogaamin doono masuuliyiinta dowlada Nigeria iyo madaxweynaha dalkaasi ku matalaya xaflada furitaanka koobka aduunka.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Nigeria ayaa hadalkiisa sii raaciyay in duqa magaalada Lagos uu hormariyay ciyaaraha magaalada uu ka arimiyo taasina ay ugu danbeyn sababtay in madaxweyne Buhari uu u doorto in uu hogaamin doono madaxda la safri doonta xidigaha xulka qaranka Nigeria oo koobka aduunka ka qeyb galaya.

Ugu danbeyn duqa magaalada Lagos ee dalkaasi Nigeria Ambode ayaa ku amaanay madaxweyne Mohamadu Buhari howsha uu u wakiishay isla markaana uu rajeynayo in uu sida ugu wanaagsan uga soo bixi doono.