Kooxda Liverpool ayaa ku dhawaaqday in uu xiddiga khadka dhexe ee Emere Can ka tagi doono kooxda Liverpool marka uu dhamaado heshiiskiisa kooxdu.

Xiddiga reer Germany ayaa wakhti dheer lala xiriirinayay in uu ka tagayo kooxda Liverpool xilli ay Juventus ugu cad-cadahay in ay la saxiixato.

Jurgen Klopp ayaa doonayay in uu sii haysto xiddigan tayada leh ee 24 jirka ah laakiin xiddiga reer Germany ayaa doortay in uu isaga tago kooxda.

Kadib markii ay Liverpool ku fashilantay in ay heshiis cusub ka saxiixato waxa ay si deg-deg ah ula soo saxiixatay Fabinho todobaadkii hore.

Sidoo kale Liverpool ayaa xaqiijisay in xiddiga daafaca ah ee Jon Flanagan uu ka tagi doono kooxda Liverpool marka uu dhamaado heshiiskiisu.

25 jirkan ayaa ku fashilmay in uu iska muujiyo kooxda Liverpool kadib dhaawacyo daba dhigtay xiddiga oo u diiday in uu ciyaaro kubada cagta.

Kooxda Liverpool ayaa Twitter-keeda soo dhigtay” Emre Can iyo Jon Flanagan waxa ay labadooduba ka tagi doonaan kooxda marka uu heshiiskoodu dhoco”.

“Cid walba oo kooxda Liverpool ku xiran ayaa u mahad celinaysa xiddigaha ka tagaya kooxda ka qayb qaadashadii fiicnayd waxana u rajaynayaan nasiib wacan mustaqbalkooda”.