Liverpool Oo War Wanaagsan Ka Heshay Xulka France

0
201

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa war wanaagsan ka heshay gudaha xulka qaranka Faransiiska kaddib markii lagu wargeliyey in ciyaartoy muhiim ah oo ka qayb-gelaya Koobka Adduunku uu ku riyoodo inuu ka ciyaaro garoonka Anfield.

Liverpool oo dhowaan uu ka burburay heshiis ay la saxeexanaysay laacibka Nabil Fekir oo ka tirsan xulka Faransiiska iyo Kooxda Lyon ayaa waxa hadda usoo dhacay war kale oo farxad leh oo u sheegay in laacib aan ahayn Nabil uu doonayo inuu ku u wareego Liverpool.

Wargeyska Daily Mirror oo soo xiganaya Jariiddada caanka ah ee Calcio Insider ee waddanka Talyaaniga ayaa waxa uu sheegay in xiddiga reer France ee Corentin Tolisso uu si aad ah u doonayo inuu dhamaystiro heshiis uu ugu wareegayo Liverpool.

23 jirkan oo la wariyey in kooxo badan ay raadinayaan ayaa doonaya inuu ka tago kooxda haysata horyaalka Germany ee Bayern Munich, 12 bilood kaddib markii uu ugu wareegay adduun €41 milyan oo xagaagii hore ay ku iibsatay.

Warku waxa uu intaa ku daray in Tolisso uu doonayo inuu raaco raadkii Steven Gerrard oo uu si weyn u taageri jiray.

40 ciyaarood oo horyaalka Bundesliga ah oo uu u saftay Bayern Munich xili ciyaareedkii dhamaaday, waxa uu u dhaliyey 10 gool, hase yeeshee inta badan kulamadaas ayuu kusoo galay beddel.

17 ka mid ah ciyaarahaas oo lagu soo bilaabay ciyaarta, waxa uu dhaliyey lix gool, afar kalena caawiye ayuu ka noqday, waxaanay taasi muujinaysaa in haddii uu heli lahaa boos joogto ah uu wax badan soo kordhin lahaa.

Liverpool oo isku diyaarinaysa inay soo dhoweyso Naby Keita oo xagaagii tegay ay £48m milyan kaga iibsatay RB Leizing ayaa waxa kale oo ay dhowaan gacanta ku dhigtay xiddiga reer Brazil ee Fabinho oo ay £39 milyan kaga soo qaadatay AS Monaco, hase yeeshee Nabil Fekir oo ay in badan daba socotay ayaa aakhirkii ay ku hungowday.