Liverpool Oo Soo Nooleysay Xiisaha Ay U Qabto Xherdan Shaqiri

0
133

Weeraryahanka kooxda Stoke City ee Xherdan Shaqiri ayaa qirtay inuu doonay kasii ciyaaridda Premier League xilli naadigiisa ay u dhacday Champion Ship-ka England ama horyaalka heerka labaad.

Shaqiri oo loo arko midka ugu fiican Stoke ayaa sheegay inaysan sir ahayn inuu ka tagayo kooxda Potters si uu uga sii ciyaaro EPL-ka oo uu sheegay inuu isaga ku haboonyahay.

Naadiga Liverpool ayaa saakay lagu soo warramayaa inay soo gashay loollanka loogu jiro laacibkan oo markii hore si xoog leh loola xiriiriyay kooxda Everton.

Jurgen Klopp ayaa goor hore xiiseynayay laacibka Swiss-ka ah, balse waxa uu hakiyay dadaalkii uu kusoo xero gelin lahaa isagoo xoogga saaray Nabil Fekir oo ka tirsan kooxda Lyon, haddii uu gafana waxa uu doonayaa inuu garbihiisa ku kabo weeraryahanka kooxda Stoke ee Xherdan Shaqiri.

Laacibkii hore ee Bayern Munich ayaa lagu qiimeeyaa lacag dhan £12m, kooxda Stoke ayaana awoodin inay dajiso qiimaha ay ku iibineyso maadaama ay u laabatay heerka labaad halka uu isna doonayo inuu ku biiro kooxaha Premier League-ga.