Liverpool Oo Labo Xidig Wayneysa Furitaanka EPL

0
242
LIVERPOOL, ENGLAND - MARCH 17: Jurgen Klopp manager / head coach of Liverpool during the Premier League match between Liverpool and Watford at Anfield on March 17, 2018 in Liverpool, England. (Photo by Robbie Jay Barratt - AMA/Getty Images)
Tababaraha naadiga Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa wuxuu ku dhawaaqay in ciyaartoyda kala ah, Dejan Lovren iyo Jordan Henderson aysan dheeli doonin kulanka furitaanka horyaalka Premier League.

Kulankaan oo dhici doona 12-ka bisha Agoosto ee sanadkaan ayaa waxay Reds wajaheysaa dhigeeda West Ham United.

Klopp ayaa sheegay in ciyaartoydaan ay ku qanciyeen inay maqnaadaan, islamarkaana ay qaateen fasax, maadaama ay koobka aduunka 2018 ay kusoo daaleen.

Dejan Lovren, oo ka tirsanaa xulka Croatia ayaa wuxuu dalkiisu gaaray Final-ka, halka wadanka Jordan Henderson oo kamid ahaa wiilasha Ingiriiska ay gaaraan wareega afar dhamaadka.

“Waan ogahay inay tahay wax adag inaan ku qancino inay fasax qaataan, maxaa yeelay waa ay ubaahan yihiin,” ayuu yiri Klopp.

“Jordan wuxuu soo laaban doonaa 5-ta Agoosto, halka Dejan uu soo laaban doono 6-da bishaas,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

“Marka ka hor kulanka furitaanka ee West Ham, waxay  fursad uhelayaan tababarka waa Lix maalmood, taasoo ah wax aana ubaahneen inaan ka fekrno inay dheelaan kulanka West Ham,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.