Leroy Sane Oo Laga Saaray Liiska Ciyaartooyda Jarmalka Ee Koobka Aduunka

0
133

Xiddiga kooxda Manchester City baasha uga ciyaara ee Leroy Sane ayaa laga reebay liiska xulka qaranka waddanka Jarmalka uga qayb-gelaya Koobka Adduunka ee toddobaadka dambe ka furmaya waddanka Ruushka.

Tababaraha Jarmalka Joachim Low ayaa liiska 23-ka ciyaartoy ee sida rasmiga ah ugu duulaya Ruushka aan kusoo darin Leroy Sane oo saamayn weyn ku lahaa guulihii Manchester City xili ciyaareedkii tegay gaadhay, labada ciyaartoy ee Bayern Leverkusen u wada ciyaara ee Bernd Leno iyo Jonathan Tah iyo waliba weeraryahanka Nils Petersen oo ka tirsan naadiga Freiburg, kuwaas oo dhamaantood ku jiray liiskii hordhaca ahaa ee ka koobnaa 27-ka ciyaartoy.

Goolhayaha ruug caddaaga ah ee Manuel Neuer oo dib ugu soo laabtay garoomada kaddib sagaal bilood oo uu dhaawac ahaa ayaaa hoggaamin doona Jarmalka oo ku jira Group F oo ay ku wehelinayaan Mexico, Sweden iyo Koonfur Korea, waxaanay ciyaartooda u horreysaa dhici doontaa 17 June.

Liiska xulka qaranka Jarmalka oo dhamaystiran

Goolhaye: Manuel Neuer (Bayern Munich), Marc-Andre ter Stegen (Barcelona), Kevin Trapp (Paris St-Germain)

Difaac: Jerome Boateng (Bayern Munich), Matthias Ginter (Borussia Monchengladbach), Jonas Hector (Cologne), Mats Hummels (Bayern Munich), Joshua Kimmich (Bayern Munich), Marvin Plattenhardt (Hertha Berlin), Antonio Rudiger (Chelsea), Niklas Sule (Bayern Munich)

Khadka dhexe: Julian Brandt (Bayer Leverkusen), Julian Draxler (Paris St-Germain), Leon Goretska (Schalke), Ilkay Gundogan (Manchester City), Sami Khedira (Juventus), Toni Kroos (Real Madrid), Mesut Ozil (Arsenal), Sebastian Rudy (Bayern Munich)

Weerarka: Mario Gomez (Stuttgart), Thomas Muller (Bayern Munich), Marco Reus (Borussia Dortmund), Timo Werner (RB Leipzig)