Kylian Mbappe Oo Ku Dhaawacmay Tababarka Xulka France

0
163

Laacibka xulka qaranka France Kylian Mbappe ayaa dhaawac aqnawga ah uu soo gaaray mar uu ku guda jiray tababarkii ugu danbeeyay ee xulkiisa.

Da’yarka Paris Saint-Germain ayaa isagoo kubada heysta wuxuu cadaadis kala kulmay xidiga France ay kawada tirsanyihiin ee Adil Rami,waxaana intaa kadib Mbappe uu isaga baxay tababarka oo bilaw ah.

Si kastaba ha ahaatee, Mbappe ayaa hal door u ah natiijada France ee Koobka Aduunka waxaana kadib marka ay dhaqaatiirta soo gudbiyaan xaaladiisa caafimaad go’aan tababaraha France uu ka gaari doonaan hadii xidigan uu ciyaari karo kulanka koowaad ee xulkiisa Sabtida Australia la ciyaari doono.

Ugu danbeyn Mbappe ayaa 15 kulan u saftay xulka qaranka, isagoo dhaliyay afar gool.