Kooxda Juventus Oo Barca Kula Soo Biirtay Baacsiga Loogu jiro Countinho

0
231

Majalada Spanish-ka ah ee lagu magacaabo Don Balon, ayaa waxay leedahay kooxda Talyaaniga ka dhisan ee Juventus ayaa waxay kula soo biirtay dhigeeda Barcelona, loolanka laacibka Brazil, kasoo jeeda ee Philippe Coutinho.

Xidigaan ayaa wuxuu sanadkaan oo dhan uu dookha koowaad uu u ahaa Barca, islamarkaana uu wali uyahay arinkaas, waxaana la sheegayaa in dhankiisa uu yahay mid aad u daneenaya inuu aado kooxda Catalan-ka.

Balse, Blaugrana ayaa dagaal xoogan waxay kala kulmeysaa kooxaha waa weyn ee Yurub, gaara ahaan PSG, Real iyo Juve oo haatan kusoo biirtay, sida ay leedahay Don Balon, waxaana ay diyaar u tahay inay ka dulqaado kooxdaan.

Marwada Duqda, ayaa waxay bisha Janaayo ay dooneysaa inay ka faramaruuqsato Barcalona, laacibkaan, iyadoona kusoo jiidan doonta qiimo waali ah, kaasoo ay miiska u saari doonto Kooxda Liverpool, oo uu ciyaaryahankaan udheelo.

Don Balon, ayaa waxay sheegeysaa in Juve, ay diyaar latahay aduun dhan 155 Malyuun, taasoo ay faraqa ugu shubi doonto Reds, si ay uga soo kaxeyso Coutinho, horyaalka Premier League, ee dalka Ingiriiska.

Sikastaba, Barca ayaa la  filayaa in iyadana ay saro u qaado qiimaha ay haatan ku baadi goobeyso wiilkaan, kaasoo ah 137 Malyuun, waxaana wax walba ay kala cadaan doonaan marka uu furmo suuqa bisha Janaayo ee sanadka dambe.