Kooxaha Ilaa Haatan Xaqiijiyay Inay U Soo Baxeen Wareega 16-Ka Ee UCL

0
260

Lix kooxood ayaa ilaa haatan si rasmi ah u xaqiijiyay booskooda wareega 16ka Champions League, halka todobo koox kale ay qarka usaaran yihiin in ay soo baxaaan.

Weli waxaa jira labo kulan oo ka haray wareega group-ka, laakiin weli koxaha ayaa dagaal xoog leh ugu jira in ay gaaraan marxalada wareega 16ka UEFA Champions League.

Yaa Xaqiijiyay Wareega 16ka?

Naadiyaasha kala ah   Bayern Munich, Beşiktaş, Manchester City, Paris Saint-Germain, Real Madrid iyo Tottenham Hotspur ayaa ah lixda koox ee ilaa haatan xaqiijiyay booskooda wareega 16ka Champions League.

Kooxaha Weli gaari kara wareega 16ka?

Atlético Madrid, Barcelona, Basel, Benfica, Chelsea, CSKA Moskva, Juventus, Leipzig, Liverpool, Manchester United, Napoli, Olympiacos, Porto, Qarabağ, Roma, Sevilla, Shakhtar Donetsk, Spartak Moskva iyo Sporting CP  ayaa dhamaan rajo ka leh in ay gaaraan wareega 16ka tartankaaan.

Naadiyaasha ku dhameystay kaalinta 4-aad ee Group-ka?

Feyenoord, Maribor iyo Monaco ayaa gabi ahaanba xaqiijiyay in ay isaga hareen tartanka Champions League kadib markii ay ku dhameysteen kaalmaha afaraad ee Group-kooda.

Labada koox ee ugu sarreysa Group kasta waxay ciyaarayaan wareegga 16ka, halka kooxaha kaalinta seddexaad ay ku biirayaan wareega 32 koox ee UEFA Europa League.