Kooxaha Banaadir SC iyo Dekedda oo Galabta isku dhagan Kulan ka tirsan Tartanka Jeneraal Daa,uud

0
161

Kulan ka tirsan tartanka Jeneraal Daa,uudka, ayaa Galabta lagu Ciyaari doonaa Garoonka Jaamacadaha ee Degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Bnaadir.

Kulankaan, ayaa ah mid aad u xiisa abadan marka la fiiriyo labada Kooxood ee Galabta wada ciyaaraysa, maadama kooxda Dekedda ay sanadkaan ku guulaystaya horyaalka dalka Soomaaliya.

Kulanka galabta kooxda Dekedda waxaa ka maqnaan doona kabtankooda Cabaas Aamiin Maxamed kaa uu kulankii ugu dambeyay karaka Roosaha loo taagay markii uu qalad ku galay mid kamid ah xidigaha kooxda Heegan.

Sido kale waa ka maqnaan doona Wiilasha Dekedda xidiga lagu magacaabo Xasan Siidow Hilowle kaa uu isagaba qaatay karaka gaduudan kulankii ay guul darada kooxdiis  kala kulantay kooxda Heegan.

Kooxda Banaadir Sports Club waxey kulankan weyneysa xidigaha kala ah Baanuu, Daadir Aamiin iyo Gacal Faarax kuwaaso dhaawacyo kala gadisan ugu maqan kooxda Banadir S,C.