Juventus Oo War Ka Soo Saartay Dhaawaca Paulo Dybala

0
295

Waxaa jira warar sheegaya in Paulo Dybala uu diyaar u noqon doono inuu u ciyaaro Juventus bisha soo socota kulanka Champions League oo ay la ciyaarayaan Tottenham Hotspur.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa dhaawac jilibka ah kasoo gaaray kulankii Cagliari, waxaana lagu sheegay markii hore inuu dhaawac yar soo gaaray.

Waxa uu fasax ku maqnaa intii lagu jiray labada isbuuc ee aana la ciyaarin Serie A, isagoo bedel ku yimid kulankii Turin ,waxa uu ku muujiyay bartii Instagram-ka in uu diyaar yahay kulankaa.

Sida laga soo xigtay Mediaset Premium,juventus ayaa kalsooni ku qabta in Dybala garomada ku soo laaban doono kulanka lugta hore ee wareega 16ka Champions League ee 13ka Febraayo ay wajahayaan kooxda Tottenham.

Sikastaba 24 jirkaan ayaa dhaliyay 17 gool, isagoo afar caawiye ka ahaa 28 kulan oo uu u saftay Juventus xilli ciyaareedkan.