Kooxda marwada duqda ee Juventus ayaa xiisaynaysa soo qaadashada laacibka daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal  ee Hector Bellerin kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah kusooo bandhigay garoonka Emirates sida ay daabacday Tuttomercatoweb .

Kooxda championka Italy ayaa diyaar u ah inay lacag badan ku bixiso inay hesho xidigaan orodka badan, waxayna Xooga Saari doontaa Juvee sidii ay si dhaqsi ah ula soo wareegi lahayd wiilka Spain ka soo jeeda ee Bellerin.

Naadiyada ugu waa wayn qaarada yurub ayaa dalab kasoo gudbiyay xidigaan waxaana kamid ah kooxda Barcelona oo doonaysay inay dib usoo ceshato xidigaan oo kusoo baxay kooxdaasi.

Sikastaba naadiga Juventus ayaa sugaysa inuu furmo suuqa kala iibsiga xidigaha si ay xidigo ulasoo wareegto.