Juventus oo Shaacisay Laba xidig oo ay Doonayaan in ay Qaataan January

0
249
Cerimonia di inaguarzione (Juventus).Torino 8/9/2011 Stadio "Juventus stadium".Football Calcio 2011/2012 Friendly match.Football Calcio Juventus Vs Notts County.Foto Insidefoto Alessandro Sabattini...

Sida lagu Qoray wakaaladaha ka soo Baxa Dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda Juventus ay doonayaan in Suuqa soo aadan ay la soo Wareegaan Hector Bellerin iyo Angel Dimaria.

Bellerin oo 22 jir ah ayaa heshiiska uu kula jiro Arsenal wuxuu dhici doonaa 2022 laakiin Calaama su’aal ayaa la saaray mustaqbalkiisa Emirates kadib dalab uu ka Helay Kooxda Barcelona.

Kooxda Juventus ayaa haatan waxay la Dhibtoonayaan Sidii ay ku soo xera Galin lahaayeen Badalka Dani Alves oo ku Biiray kooxda PSG    .

Dimaria ayaa sidoo kale Qeyb ka ah Saxiixyada ay dooneysa Kooxda Marwada duqda ah lagu naaneyso  iyagoo sheegay in PSG ay siin doonaan 50 Milion si ay kaga helaan Angel Dimaria.

Dimaria oo 29 jir ah ayaa waayay booskiisa joogtada ah ee PSG Kadib saxiixii dunida ugu Qaalisana ee Neymar waxaana uu hada diyaar u yahay in uu ka dhaqaaqo Paris isagoo miiska ay u Saaranyihiin 2 Dalab oo uu ka heysto Gunners iyo Juventus.

Kooxda Juventus ayaa ku Guuleysatay Horyaalka Talyaaniga 6 sano oo xiriir ah laakiin Juva ayaa xagaagan wajaheysa Dagaal culus oo kaga imaanaya kooxo dhowr ah Waxaana hada dhibic Qura looga hayaa Hogaanka Horyaalka Dalka Talyaaniga oo Napoli 31 Dhibcood ay ku Horkacayaan.