Juventus Oo Sanadkii Afaraad Oo Xiriir Ah Gaartay Kama Danbeysta Copa Italia

0
225

Kooxda Juventus ee horyaalka Talyaaniga ayaa xalay jabisay rikoodh cajiib waxaana markii afaraad oo xiriir ah ay iska xaadirisay tartanka Copa Italia, kadib markii ay afar dhamaadka tartankaasi ku garaacday kooxda Atalanta.

Bianconeri iyo Atalanta ayaa lugtii hore ee kulankii xalay ku soo kala baxay 1-0 ay ku adkaatay Juventus waxaana goolkaasi ay uga mahad celiyeen Gonzalo Higuain, halka ciyaartii xalay ay ku soo idlaatay natiijo lamid ah tii hore ee 1-0 ah.

Miralem Pjanic ayaa goolka guusha u dhaliyay kooxda difaacaneysa Serie A waxaana uu wado nadiif ah mariyay Atalanta, kadib markii uu ka faaideystay qalad difaacyada Atalanta ay ku saameeyeen gudaha diilinta ganaaxa, isagoo gool ku laad ka dhaliyay kooxdaasi.

WeeraryahankaArgentina Gonzalo Higuain, ayaa seegay ciyaartii xalay ee lugta labaad waxaana uu tabanayay dhaawac soo gaaray lugtii hore, laakiin ciyaariyahankii hore ee Real Madrid ayaa la aaminsanyahay in uu diyaar u noqon doono ciyaarta kama danbeysta Copa Italia.

AC Milan iyo Juventus ayaa isku arki dama finalka Copa Italia, kadib markii xalay kooxda Gattuso uu maamulo ay gool ku laad 5-4 ah ku garaacday kooxa Lazio, waxaana ay mudo kadib Giallarossi mudo kadib heer wanaagsan ka gaartay tartankan.

Juventus ayaa 12 mar ku guuleystay Copa Italia, waxaana qeyb ka ah mudadaasi sadexdii sano ee la soo dhaafay oo tartankaasi ay hanatay Juventus, laakiin Bianconeri ayaa markan la ciyaari doonta kama danbeysta tartanka Copa Italia koox ay aad u xafiiltamaan oo si fudud aysan ku dhaafi doonin.