Juventus Oo Ku Dhaw Saxiixa Ciyaaryahan Gadood Ka Ah Kooxda United

0
231

Serie A kooxda ku guuleysatay ee Juventus ayaa lasoo warinayaa in ada hadal ay la bilaawday Martial kaasoo ay ku keeneyso Turin, xiddigan reer france waxaa lala xeriirinayey united inuu ka dhaqaaqdi doono bilaha soo aadan kaasoo la ogsoonyahay Jose mourinho inuu xiiseyneynin iibinta xiddigan.

Sida laga soo warinayo Tuttosport, via Calciomercato, Bianconeri ayaa xiriir la sameysay xiddigan reer France kaasoo ay kala hadlayso in Old Trafford ay kaso dhaqaajin doonto.

Martial waxaa uu xilli ciyaareydkan 2017-2018 ku bilaawday bilaaw cajiib ah, sidoo kale si toos ah uguma soo bilaaban safka kooxda tan iyo bishii January, si kastaba waxaa xiddigan saameyn weyn ku yeeshay Sanchez usoo dhaqaaqi taankisa kooxda.

Xiddigan ayaa u muuqda tan iyo markii ka dhaqaaqi taanka Red devils la sheegay Mourinho waji gabax inuu kala kulmay sidoo kale united ay xiiseynaysay weeraryahanada kooxda Juve.

Labada xiddig ee Mario Mandzukic iyo Alex Sandro ayaa lasoo warinayaa united in ay dooneysay misna ay diyaar la tahay xidig kala badalasho oo ay Martial iyo Darmian ku dhaafsaneyso xiddigaheeda.