Ciyaar aad u xiisa badnayd islamarkaana ka tirsanayd Tartanka Maamul Goboleedyada Dalka, gaar ahaan wareega 4-Dhamaadka, ayaa shalay wax ay Garoonka Koonis ku dhexmartay Maamulada Jubbalnd Iyo Kan Koonfur Galbeed.

Kulanka oo ahaa mid aad u xiisa badan, ayaa waxa uu ku bilwday jawi aad u dagan, iyadoo Labada Kooxood ay si aada u xafiltamyeen, Koonfur Galbeed, ayaana ku raja weynayd inay soo tiigsato Fiinaalaha Tartankaan, Balse Taa Ma dhicin oo Ciyaarta Jubbaland, ayaa Iska xaadiriyeen Fiinaalaha Tartankaan.

Ciyaartooyda Jubbaland ayaa qeybtii hore ee kulanka hogaanka ciyaarta qabtay markii ciyaariyahan Muuse Cabdiraxiin uu laad banaanka ah dhex-dhigay shabaqa ciyaartooyda Koonfur GalbeedCiyaarta ayaa qeybtii hore sidaasi ku soo idlaatay waxaana hogaanka ciyaarta hayay xidigaha Jubbaland markii la isku soo laabtay kulanka qeybtiisa labaad ayaa labada dhinac waxay ku so galeen isbadalo ay ka sameeyeen ciyaarta.

Markii Dib la isugu soo laabtay Ciyaarta, ayaa waxaa markale Gool aad u qurux badnaa looga Naxsaday willasha matalayay Maamulka Koonfur Galbeed oo sanadkaan si weyn Tartankaan ugu soo diyaar garoobeen.

Xulka Koonfur Galbeed ayaa gabi ahaan tartanka isaga haray halka kama danbeysta ciyaaraha dowlad goboleedyada  ay isugu soo hareen xulalka Jubbaland iyo Puntland oo si lamid ah sidan sanadii hore iskugu arkay ciyaartan.