Jose Mourinho Oo Saadaaliyay Ciyaarta Argentina Iyo Croatia

0
101

Macalinka reer Portugal iyo kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan fili doonin in Argentina ay ciyaari doonto kulan sahlan kulanka ay caawa ka hor imaan doonto xulka qaranka Croatia, sababa la xidhiidha sida uu u xoogan yahay khadka dhexe xulka Croatia.

Argentina ayaa isku deyi doonta caawa in ay iska tirtirto natiijadii xumeyd ee kulankoodii furitaanka Koobka Adduunka 2018 ay la ciyaareen dhigooda kadib markii ay wada galeen barbaro 1-1, waxayna caawa la balansan yihiin xulka qaranka Croatia si ay u wada ciyaaraan kulankooda labaad ee Group C.

Jose Mourinho oo haatan falaqeeye kaga ah TV-ga “RT” dalka Russia koobka aduunka 2018 ayaa wuxuu ka hadlay kulanka Argantina iyo Croatia: “Croatia waxay haysataa qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu tayada fiican ee ka ciyaara kooxaha ugu wanaagsan caalamka”.

Macalinka kooxda Manchester United ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Ma aqaano hadii ay garanayaan in ay leeyihiin horumar ku filan ay sameeyeen sanooyinkii lasoo dhaafay, laakiin waxaan ogahay inay heystaan ciyaartoyda ugu fiican aduunka, gaar ahaan khadkooda dhexe”.

Jose Mourinho ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Argentina waa Argentina laakiin waxaan qabaa in Croatia aanay kulanka ka dhigi doonin mid u fudud xulka qaranka Tango”.