Hordhaca: Kulanka Tottenham Vs Real Madrid

0
311

Kooxaha Tottenham iyo Real Madrid, ayaa isku fara saari doono garoonka xulka qaranka England, ee lagu magacaabo Wambaley, kulan ciyaareed aad uxiiso badan oo badan heerka Group-yadda ee tartanka Champions League.

Madrid ayaa wajaheysa kooxdan London ka dhisan, iyadoo qabta guul daro, kulankii ugu dambeeyay kasoo gaadhay kooxda Girona, ciyaar ka tirsan Horyaalka La Liga, xili lagu soo daaray 2-1.

Sidaasi si lamid ah, Spurs-ka, ayaa soo dhaweyn doonta kooxda Los Blancos, iyadoo ciyaatii ugu dambeysay ay soo dharbaaxday Kooxda Manchester United, xili 1-0, loogu soo awood sheegtay iyadoo Old Trafford joogta.

Hadii, mid kamid ah labadooda uu caawa helo labinta guusha, waxay ka dhignaan doontaa inuu nuqdo hogaamiyaha Group-ka H, oo ay kuwada jiraan labadooda, waxaana ay u baahan yihiin inay badiyaan.

Wararka Labada Koox:-

Pochettino, macalinka Tottenham, ayaa heli kara kulan ciyaareedkan xiisaha leh, weeraryahankiisa Harry Kane, waxaana ay badan tahay sidoo kale, inuu helo wiilasha kala ah, Sanchez iyo Mousa Dembele.

Balse, waxaanan la fileyn inuu ciyaartaan uu dheeli karo, laacibka Dany Rose, kaasoo ay u badan tahay inuu ku seego ciyaartaan weyn dhaawac, kasoo uu qabay mudooyinkii ugu dambeeyay.

Zidane, maamulaha Cad Cadka, ayaa waxaanan walii taam u noqon laacibkiisa Gereth Bale, kaasoo la sheegayo in uusan kusoo laaban tababarka, waxaana uusan kamid ahayn xidigaha loosoo xulay inay dheelaan ciyaartaan.

Ninkaan Faransiiska udhashay ayaa waxaa suura gal inuu waayo wiilasha kala ah, Raphael Varane, Isco iy Navas, waxaase safkiisa kasoo muuqan kara xidigaha kala ah, Nacho iyo Marco Asensio.

Tartanka: Champions League

Labada Kooxood: Real Madrid vs. Tottenham

Garoonka: Wembley

Saacada: 22:45 Habeenimo