Laacibka Weerarka uga Ciyaara Kooxda Tottenham Hotspur ee harry Kane, ayaa lagu soo waramayaa inuu seegi doono Kulanka Xiisaha badan ee Galabta ay wada Ciyaari doonaan kooxaha manchester United iyo Tottenham.

Kane ayaa ku biiray Victor Wanyama liiska dhaawacyada Spurs, halka Erik Lamela uu sidoo kale u muuqanayo inuu taam u yahay kulanka Sabtida. Sidaasi oo kale Spurs ayaa Booqan   doonta Old Trafford.

Hadii Wiilka loo doortay inuu yahay weerarka Tottenham, Eriksen iyo Alli ayaa la rajeynayaa inay sare u qaadaan garoonkooda – sida Pochettino uu doortay midkood Moussa Sissoko ama Eric Dier si uu ugu biiro qadka dhexe.

Mousa Dembele ayaa noqon lahaa xul qurux badan oo ciyaarta ah, Lakiin Xidiga Reer Belgium Ayaa Dhawac ku Seegi Doona Kulanka !