Kooxda kubadda cagta ee Tottenham ayaa heshiis cusub ka saxiixatay weeraryahankooda reer England ee Harry Kane.

Ka dib wada hadallo gaaban oo dhex maray ciyaaryahanka iyo maamulka naadiga, laba dhinac ayaa isku afgartay inuu qalinka dul dhigo heshiis Lix sano ah oo ku sii joogay kooxda ka dhisan Wuqooyiga London.

Tani waxa ay akhbaar fiican u tahay Spurs, maadaama dhammaadka bishii lasoo dhaafay uu macallin Maurico Pochettino saxiixay qandaraas shan sano ah taasoo gogol xaar u noqon karta inay ciyaartoy kale ay qaataan go’aan la mid ah midka Kane iyo Pochettino.

Harry Winks iyo Davinson Sanchez ayaa dhowaan qalin ku duugay heshiisyo wati dheer ah, waxaana la filayaa inay soo raacaan Christian Eriksen, Dele Alli, Jan Vertongen, Eric Dier iyo Heung-Min Son.

Harry Kane ayaa qandaraaskan cusub ku qaadan doono mushaar dhan £15m sanadkii.