Garsoorayaal Soomaaliyeed Oo Maanta Muqdisho Siminaar Loogu Soo Xiray

0
199

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho tababar Kooban loogu soo xiray Garsoorayaal Soomaaliyeed oo Muddo 4-maalin ah Siminaar uga soconayay Mid ka mida Hoteelada k yaala Magaalada Muqdisho.

Siminaarkaan oo sare loogu qaadayay Heerka Garsoornimo ee Garsoorayaasha Soomaaliyeed, ayaa waxaa loo qabtay ilaa iyo 30 Garsoore oo Da’yar ah waxaana Cilmigaan bixinayay Garsoorayaal ka tirsan Xiriirka Kubada Cagta Aduunka ee FIFA.

Xogyaha guud ee xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta Xasan Maxamed Maxamuud Farey oo tababarka xiritaankiisii ka hadlaya ayaa u jeediyay garsoorayasha in ay dhaqan galiyaan waxyaabihii kala duwanaa oo ay tababarka ku qaateen mudadii uu socday.

‘’Waxaan u mahadcelinayaa xiriirka kubada cagta aduunka Ee FIFA sida ay u garab taaganyihiin xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta,tababarkaan waxa uu wax badan u kordhiyay garsoorayashii ka qeybgalay’’ayuu yiri Farey

Tababarka waxaa bixinayay Mademba MBACKE (Senegal) u dhashay, Felix Tangawarima oo isaguna (Zimbabwe) u dhashay.

Garsoorayaashaan Maanta Tababarka loo soo xiray, ayaa la filayaa inay la yimaadaan isbadal dhinaca Garsoorka ah Maadaama ay Siminaarkaan bixinayeen Garsoorayaal heer Caalami ah.

 

Waxaa Qoray: Yusuf Abdulahi Mohamed