Elman Iyo Gaadiidka Oo Galabta Ciyaari Doona Kulan Xiisa Badan

0
214

kooxaha Elman iyo Gaadiidka ayaa galabta ku ballansan garoonka Banadir Stadium waxayna wada ciyaari doonaan kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League.

Kulanka oo ah mid ay isaga hor imaan doonaan xidigo si weyn looga yaqaano horyaalka Somali Premier League, ayaa ah kulankii 35-kii ee horyaalka.

Naadiga Elman ayaa ciyaartii la soo dhaafay qasaaro 4-1 kala kulantay kooxda kooxda Batroolka Ex Savaana ciyaar dhacday 01-03-18.

Kooxda kubadda cagta Gaadiidka ciyaartii ugu dambeysay waxey bar baro 1-1 la soo gashay kooxda Waxool.

Elman ayaa fadhisa kaalinta 7-aad ee kala sareynta horyaalka iyado leh 6-dhibcood halka ay Gaadiidka ku jirto kaalinta ugu hooseysa ee horyaalka iyado leh 3-dhibcood oo qura.

lixdii kulan ee ugu dambeysay ay labada kooxod isku arkan horyaalka waxaa 3-kamid ah badisay kooxda jaalayasha ee Elman sido kale Gaadiidka ayaa adkaatay 2-kamid ah halka kulanka kale ay bar baro ku kala baxeyn.