Eden Hazard Oo Xalay Dhaawacmay

0
62

Xulka qaranka Belgium ayaa cabsi ku aadan dhaawaca Eden Hazard la soo gudboonaatay, ka dib markii kubadsameeyaha Chelsea laga saaray kulankii ay 4-1 kaga badiyeen Costa Rica oo ka dhacay magaalada Brussels.

27-jirkaan ayaa garoonka ka baxay isagoo dhaawac sheeganaya daqiiqadii 70-aad ee ciyaarta, daqiiqado ka dib markii uu dhaawac jilibka ka soo gaaray.

Tababaraha xulka lagu naaneyso Red Devils Roberto Martinez ayaa si dhaqso ah ciyaarta ugu soo biiriyay Mousa Dembele ka dib markii ciyaariyahan Oviedo oo xulka Costa Rica ah uu dhaawacay Eden Hazard oo awoodi waayay in ciyaarta uu sii wato.

sidoo kale ciyaaryahan Dries Mertens ayaa jug soo gaartay horaantii kulanka,Romelu Lukaku iyo Michy Batshuayi ayaana shabaqa soo taabtay, si ay xulkooda guul ugu hogaamiyaan.

Ugu danbeyn xulka Belgium ayaa ka qeybgalaya Koobka Adduunka ee ka dhici doona Ruushak ciyaarta koowaad ayeyna ku bilaaban doonaan Isniinta xulka Panama ka hor inta aysan la kulmin Tunisia 23-ka Juun iyagoo ciyaar ay 28-ka June la balansanyihiin England ku soo xiran doonaa group-ka G.