Laacibka kooxda kubada cagta ee Chelsea Eden Hazard ayaa shaaca ka qaaday xulka uu sida gaarka ah u taageeri doona dhacdadan koob ee uu marti galinayo dalka Ruushka.

Hazard ayaa tilmaamay in uu sacabada u tumi doono xulka Faariciinta lagu naaneyso ee Masar sababta uu taasi u sameynayana ay tahay xiriirka saaxiibtinimo ee kala dhexeya laacibka Reds Mohamed Salah.

Laacivbka xulka Belgium Eden Hazard ayaa shabaqa gaaray kulankii saaxiibtinimo ee xulkiisa ay la ciyaareen Masar kulankaa oo ku soo idlaaday 3-0 waloow ciyaartaasi uu shaashadaha ka daawanayay muslimka xawaaraha dheer ku carara ee Mohamed Salah oo garabka dhaawac ka qaba.

Xulka qaranka Masar ayaa maanka ku haaya in xidiga ku guuleystay kabta dahabka Premier League ay adeegiisa heli karaan kulankooda ugu horeeya ee koobka aduunka ay la ciyaari doonaan xulka dhaca Koonfurta America ee Uruguay 15-June oo ah maalin uun kadib marka daaha laga rogo koobka audunka.

“Masar waxay heystaan ciyaartooy heer sare ah,kulankii aan la ciyaarnay waxay sameeyeen bandhig wanaagsan inkastoo kulanka aan kubad heesashada aad uga badneyn hadana waa koox xoogan” Hazard ayaa sidaasi u sheegay mareegta Sportskeeda.

Ciyaaryahan oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri “Waa koox ka dawan marka uu maqanyahay Salah waa hogaamiye dhan walba ah marka garoonka ay ku jiraan,koobka aduunka waxaan taageeri doonaa iyaga sababtoo ah waxay heystaan laacib daqiiqad walba mucjiso gudaha garoonka ku sameyn kara”.

Ugu danbeyn xulka Masar ayaa koobka aduunka oo maalmo uun kadib furmi doona uga jira groupka A oo ay kula tartami doonaan xulalka Sacuudi Carabiya,Belgium iyo Uruguay oo kulankooda koowaad ay fooda dari doonaan.